IMF oo meelmarisay qorshaha maalgelinta deyn cafinta Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Guddiga fulinta ee hay'adda lacagta aduunka ee magaceeda loosoo gaabiyo IMF ayaa meelmariyey qorshe maalgelin oo deymaha looga cafinayo waddanka Soomaaliya.

Kristalina Georgieva, agaasimaha maamulka ee IMF, ayaa qoraal ku xustay in barnaamijkan uu "ahmiyad" u leeyahay.

Qorshaha maali-gelinta waa in IMF ay Soomaaliya ka taageeri doonto bixinta saamiga uga aadan qaan-dhaafitaanka.

Sidda ay sheegtay Kristalina, qorshaha maalgelinta waxaa kamida lacago kaash oo damaanad qaad ah loona adeegsanayo in lagu baabi'iyo deynta ay IMF ku leedahay Soomaaliya.

Iyaddoo Soomaaliya looga baahan yahay in ay sii wado dib-u-habeynta, go'aanka deyn cafinta ayaa kaliya imaan kara marka wadamada xubinta ka ah IMF yaboohaan bixinta qaanta.

"[Deyn cafinta] waxay ka caawineysaa Soomaaliya in uu caadi noqdo xiriirka kala dhaxeeya Beesha Caalamka ayna gaarto horumar la taaban karo," ayay war-saxaafadeedka ku tiri.

Deynta lagu leeyahay Soomaaliya ayaa gaareysa shan bilyan oo Doollar-ka Mareykanka ah, sidda ay sheegeen madaxda.

Dhinaca kale, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo soo dhaweeyay ansixinta IMF, ayaa sheegay in ay sii wadayaan isbdeladda xoogan ee ay haatan wadaan.

Afhayeenka Farmaajo ayaa Twitter-ka ku baahiyey in dedaaladda deyn cafinta ay safka hore kaga jirto yoolasha waaweyn ee dowladda hada jirta ee mudada xileedkeedu gabaabsiga yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubaland oo ka digtay hubanti la’aan siyaasadeed iyo faragelin shisheeye

Ugu dambeyn, Jubaland waxay ugu baaqday madaxda siyaasadda dalka in ay mudnaanta siiyaan ilaalinta midnimada iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 04:43PM

Puntland oo xoojisay la dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah

Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa inay sanadkii ku lumiso ku dhowaad 300 milyan oo doollar kalluumaysiga sharci-darrada ah.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 12:13PM