In ka badan 900 tan raashin ah oo loo diray magaaladda Kismaayo

Image
Gargaarkan ayaa loogu talagalay dadka kasoo barakacay Jubada Hoose ee ku sugan xarunta ku meelgaarka Jubaland.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa Dekadda Muqdisho waxa ay ka dirtay dooni sida shixnad mucaawino gargaar ah taas oo maalmaha soo socda lagu wado in ay gaarto Magaalada Kismaayo.

Gargaarkaan ayaa gaaraya in ka badan 900 oo Tan oo raashin ah, waxaana shixnadaan gargaar oo hore dowladda ruushka dalkeena ugu deeqday lagu wadaa in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deeganadda Jubbaland si gaar ah Gobolada Gedo, Jubbada Hoose iyo shacabkii ka soo barakacay Gobolka Jubbada dhexe oo haatan iyaga oo wajahaya xaalad adag ku sugan duleedka Kismaayo.

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan ayaa gargaarkaan ku wareejiyey Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland.

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo komeerey doontaan ayaa Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed ku wareejiyey gargaarkaan.

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan ayaa kawarbixiyey gargarkaan,  isaga oo xusay in gargaarkaan la gaarsiinayo sidoo kale dowladd Goboleedyada.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland Abdiraxmaan Maxamed ayaa u mahadnaqay Hay'adda SoDMA,  isaga oo balan qaaday in gargaarkaan dadkii u baahnaa ay gaarsiin donaan.

Hay'adda SoDMA ayaa hore gobolka Gedo waxa ay u gaarsiisay doono nuuca dheereye si dadka loogu badbaadiyo, iyo diyaarado wada shixnado gargaar ah, sidoo kale hay’adda ayaa in kabadan kun qoys waxa ay gargaar ugu qaybisay magalaada Kismaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM