Isimmada SSC-Khaatumo oo taageeray go’aamadii Isimmada Puntland

Image
Afhayeenka ayaa bogaadiyay go'aankii Madaxweyne ku xigeenka Ahmed Cilmi Cismaan (Karaash),

GAROWE, Soomaaliya - Isimada SSC-Khaatumo ayaa soo dhaweeyay go’aamadii Isimada Puntland ee ku saabsanaa doorashada, iyo hadaladii ka soo yeeray Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Afheyeenka Isimmada SSC-Khaatumo Garaad Abdisalan hassan ayaa ku yiri qoraal kooban oo uu soo saaray:

“Waxaan soo dhaweynayaa go'aamadii ay soo saareen isimada dhaqanka Puntland ee ahaa in doorashada Puntland lagu qabto 49 xildbibaan.”

Afhayeenka ayaa Sidoo kale bogaadiyay go'aankii uu qaatay Madaxweyne ku xigeenka Ahmed Cilmi Cismaan (Karaash), kaas oo isagna tageeray in doorashada lagu qabto 49 xildhibaan.

Afheyeenka Isimmada SSC-Khaatumo Garaad Abdisalan hassan ayaa ugu dambeyn u rajeeyay Puntland “doorasho wanaagsan” iyo barwaaqo-sooran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM