Isreeb-reebka Koobka Adduunka: Soomaaliya & Algeria oo caawa ciyaari doona

Image

ALGIERS (GO) - Xulalka kubadda cagta ee Soomaaliya ayaa caawa kulan la ciyaari doono dhiggiisa Algeria, ciyaartan oo qeyb ka ah Isreeb-reebka Koobka Adduunka 2026 qeybta Qaaradda Afrika.

Kulankan ayaa dhici doona 7:00 PM, waxaana lagu ciyaari doonaa garoonka Mandella Stadium ee ku yaalla caasimadda dalka Algeria.

Waa markii ugu horeysay oo ay tartan rasmiya ku kulmayaan labada xul, waana markii ugu horeysay oo ay Soomaaliya ciyaareyso wareega group-yada ee isreeb-reebka koobka Adduunka 2026 ee dalalka Afrika.

Soomaaliya weligeed hal jeer oo kaliya ayeey badisay kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka Adduunka waxeyna aheyd sanadkii 2019 markii uu xulka 1-0 uga adkaatay Xulka Zimbabwe.

Xulka Algeria ayaa ku jirta kaalinta 33-aad ee Qiimeynta FIFA, halka Soomaaliya ay ku jirto booska 196-aad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo fagaaraha kasoo muuqday kadib markii lagu tuurey xukunka Koonfur Galbeed 

Cabdiasiis Laftagareen wuxuu u ballan-qaaday xulafadiisa in xiriirkooda siyaasadeed uusan halkaas ku dhammaan doonin.

  • Soomaliya

    18-04-2026

  • 01:57PM

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM