Isu-socodka magaalada Beledweyne oo dib loo furay

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Taliye Ku-xigeenka Guutada 5-aad Qeybta 27-aad ee CXD Korneyl Isaaq Cismaan Idriis ayaa dib isku furay isu socdka magaalada Beledweyne oo muddo maalmo u kala xineed Bari iyo Galbeed ka dib markii dhagaxaan labada dhinac looga xiray buundada Liiqliiqato.

Korneyl-ka ayaa faray shacabka iyo meleeshiyaadka beleeaha deeganka ku sugan inay u hogaaansaan go’aanka ciidamada, isaga oo sheegay in ay sii xoojin doonaan feejignaanta ku aadan gawaarida soo galayo magaalada si loo hubiyo in aysan sidan wax lagu dhibaateeyo shacabka.

“Waxaa hadda si buuxda gacanta ku haayo buundada Guutada 5-aad ee Qeybta 27-aad, si ku meel gaar ahna ayaan usii hayn doonnna, waxaana banneey doonna marka ay xiisadu degto” ayuu ku yiri Korneyl-ka shir jaraa’id uu ku dhax qabtay buundada.

Xiisada ka taagan magaalada Beledweyne ayaa haatan degan ka dib is jiidjiid dhex maray beelaha kala dega Galbeedka iyo Bariga magaalada oo ka dhashay Qarax laga soo gudbiyay dhanka Galbeed sida ay sheegeen laamaha amaanka, taas oo keentay in la kala xirto.

Gaadiidleyda, Ganacsatada iyo Shacbka magaalada ayaa cabasho ka muujiyay talaabadan oo hakisay isu socdka dadweynaha saameynna ku yeelatay amniga ka dib marka ay is hor fariisteen meleeshiyo beeleed laga cabsi qabay inay xurguf dhax marto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM