Itoobiya oo ku eedeysay dalal taageeray Soomaaliya inay codow ku yihiin Itoobiya

Image
La taliyuhu ayaa sheegay in dhinacyadan ay isku dayayaan inay ka faa'iidaystaan ​​khilaafka.

Addis Ababa (GO) - La Taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Radwaan Xuseen ayaa ka hadlay taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya heshay, kaas oo ka dhan ah damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya.

La taliyuhu wuxuu ku eedeeyay dhinacyada caalamiga ah ee soo farageliyay Khilaafkan islamarkaana taageeray Soomaaliya, inay cadow ku yihiin Itoobiya, ayna isku dayeen inay ka faa'iidaystaan ​​khilaafka gobolka ka aloosan.

"Waxaa jira jileyaal aan taageero u fidin Soomaaliya xilliyadii ay u baahanayd, kuwaasoo isku dayaya maanta inay isku muujiyaan inay yihiin saaxiibo dhab ah, balse waxaa cad in waxa ku dhiirri-gelinaya fargelinta khilaafkan aysan ahayn taageerida Soomaaliya, balse cadowtooyada ay u qabaan Itoobiya,”.

Falanqeeyayaasha Siyaasadda ayaa horey uga digay cawaaqibka ka dhalan kara in dalalka gobolka loo horseedo dagaal militari oo sabab u ah dadaalka ay Itoobiya ku dooneyso inay ku hesho qeyb ka mida badda Soomaaliya.

GaroweOnline.

 

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM