Jabuuti oo ugu dambeyn war ka soo saartay heshiiskii Itoobiya iyo maamulka Somaliland

Image
Jabuuti ayaa ugu baaqday labada dal in ay wada-hadalaan.

JABUUTI (GO) - Dowladda Jabuuti ayaa maanta soo saartay war saxaafadeed ay kaga hadlayso xiisadda ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii beenaadkii ee ay dowladda Itoobiya la gashay maamulka Somaliland.

War saxaafadeedka oo ay soo saartay Wasaaradda arrimaha Jabuuti ayaa lagu sheegay in dowladda Jabuuti ay walaac ka muujinayso xiisadda ka dhax taagan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggeeda Itoobiya.

“Jamhuuriyadda Jabuuti waxa ay si qoto dheer ugu dheggan tahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dhammaan waddamada xubnaha ka ah ururka IGAD.” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka.

Jabuuti ayaa sidoo kale ugu baaqday labada dal in ay u hoggaansamaan dariiqa wada-hadalka, isla markaana ay ka shaqeeyaan sidii colaadda loo dejin lahaa.

Xukuumada Jabuuti ayaa intaas ku dartay inay “si hagar la’aan ah” u sii wadi doonto wadatashiga ay la yeelaneyso dhammaan waddamada xubnaha ka ah IGAD si loo soo afjaro colaadaha taagan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM