Jamaal oo beeniyay in maamul cusub loo dhisayo Sool iyo Sanaag

Image
Image
Image
Image
Image
Image

DHAHAR - Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Calaamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ka warbixiyay oo todobaadkan safar shaqo ku tagey qeybo kamid ah Sool iyo Sanaag.

Isagoo ay la socdeen xubno katirsan labada Golle ee dowladda Puntland ayaa Wasiirka booqday deegaanno ay ka kamid yahiin Baran iyo Dhahar ee gobolka Sanaag, halkaasi kula kulmay dadka deegaanka.

Wasiirka ayaa beeniyay warar sheegaya in ujeedka socdaalkiisa uu la xiriiro sidii maamul cusub loogu sameyn lahaa gobollada Sool iyo Sanaag, kuwaasi oo ay ku muransan yihiin Puntland iyo Somaliland.

Jamaal ayaa ku micneeyay safarkiisa gobollada Sool iyo Sanaag mid ku qotama u kuuragalista xaaladda ay ku nool yihiin dadka deegaanka, isagoo qiimeyn kusoo sameeyay amaanka iyo arrimo horumarka.

Wuxuu sheegay inuu lasoo kulmay Odayaasha, Waxgaradka, Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan deegaaanda uu booqday, oo ah goobaha ugu daran ee ay ku dhufatay abaarta.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyay in markii uu ku laabto Muqdisho uu dowladda Federaalka ee uu u yahay Wasiirka qorsehynta kala soo hadli doono sidii dadka ku dhaqan deegaanada uu booqday loo gaarsiin lahaa mashaariic horumarineed iyo adeeggyada kale ee dowladda.

Waxa uu noqonayaa Jamaal Wasiirkii ugu horeeyay oo ka socda dowladda Soomaaliya oo booqda Deegaanada Sool iyo Sanaag mudo ku dhawaad 30 sano.

Dhanka kale, Booqashada Jamaal waxaa cambaareeyay Somaliland oo ku tilmaantay mid xad-gudub ah, oo dhaawacaya wadahadalladii ay kula jireen dowladda Federaalka Soomaaliya. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Kordhisay Doorkeeda Geeska Afrika, Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Qaahira

Kulankan ayaa imanaya kaddib booqashooyinkii dhawaan ee Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.

  • Soomaliya

    08-02-2026

  • 07:14PM

Xasan Sheekh iyo Al-Sisi oo ku heshiiyay difaaca midnimada Soomaaliya, kana horyimid aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Dhankiisa, Madaxweyne Al-Sisi ayaa carrabka ku adkeeyay in Masar ay si buuxda u ixtiraamayso madaxbannaanida.

  • Soomaliya

    08-02-2026

  • 06:20PM