Japan oo ka taageereysa Soomaaliya xal u helida fatahaadaha Webiyadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee dalka Japan u qaabilsan Soomaaliya.

Danjire Horie Ryoichi ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqorka dalkiisa Boqor Naruhito iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Japan Mudane Shinzō Abe.

Ryoichi ayaa ka mahadceliyay ka qeyb galkii Madasha Iskaashiga TICAD7 ee wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayey Madaxweynuhu.

Safiirka ayaa tilmaamay dadaalka uu ku bixin doono sare u qaadidda xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran.

Japan ayaa balan qaaday in ay qeyb ka noqon doonto qorshaha dowladda ee ku wajahan sidii xal waara loog heli lahaa dhibaatooyinka ay geystaan fatahaadaha Wabiyada.

"....[Japan] dhawaan waxa ay gargaar gaarsiin doontaa dadka ku dhibaatoobay fatahaadaha," ayuu yiri mas'uul ka tirsan Villa Soomaaliya oo si hoose ula hadlay GO.

Farmaajo ayaa Ryoichi uga warbixiyey sida dowladdiisa ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ee kala dhexeeya dalalka caalamka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Danjire Horie Ryoichi xilka loo magacaabay, waxa uun tilmaamay in uu soodhaweyn wanaagsan kala kulmayo shacabka.

"....Dowladda Federaalkuna ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday," ayaa lagu lagu daray qoraalka kasoo baxay madaxtooyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM