Jawaari oo beeniyay inuu lacag ku bedeshay Is-casilaadiisa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyihii Is-casilay ee Gollaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta khudbad xasaasi u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka maanta oo ajandihiisu ahaa khudbad-jeedinta Jawaari ayaa waxaa ka qeybgalay 192 Mudane, iyadoo uu shir gudoomiyaya Cabdiweli Ibraahim Muudey, oo xilka sii heyn doono illaa laga soo dooranayo Afhayeen cusub.

Jawaari ayaa kula dardaramay Xildhibaanada ilaalinta madaxbanaanida Gollaha Shacabka, howlaha hay'adaha dowladda iyo kala soocnaanta awoodaha, si looga hortago inuu dalka galo nimaad kaligii-talis ah.

Mar uu ka hadlayay Is-casilaadiisa ayuu Jawaari beeniyay in uu lacag ku bedeshay xilka inuu ka dago, waxaana wararkaasi uu ku tilmaamay mid marin-habaabin ah, oo aan sax ahayn.

"Ma jirto wax dhaqaale ah oo la iga iibsaday Iscasilaadaydayda, taasi oo aan ka qaatey dowladeena ama kuwa dowladaha shisheeye," ayuu yiri Jawaari.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay soo baxayeen maalmahan warar sheegaya in lacag maalaayiin doollar ah uu Jawaari ku qaatey inuu xilka isaga dago, oo ku dhawaaqo Is-casilaadiisa.

Jawaari ayaa ku baaqay in mudo 15 maalmood ah oo ka billaabanaysa maanta lagu soo doorto Gudooiyaha cusub ee isaga bedeli doona, iyadoo waxii maanta ka dambaysa howsha gudoonka si KMG ah usii wadi doono Muudey.

Gudoomiyaha xiga ee Gollaha ayaa lagu dooran doonaa cod qarsoodi ah oo lamid ah qaabkii Jawaari lagu soo doortey sanadkii tagey horaantiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM