Jawaari oo loogu baaqay inuu iscasilo iyo wararkii ugu dambeeyay

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada wada Mooshinka ka dhanka ah Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari, ayaa maanta Shir Jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada oo ay hogaaminayso Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa ugu baaqay Jawaari inuu iscasilo, iyagoo ku eedeeyay inuu ku xad-gudbay Dastuurka iyo Xeerka Baarlamaanka.

Shirka Jaraa'id waxaa kasoo muuqday Sheekh Aadan Madoobe, Afhayeenkii hore ee Baarlamaankii KMG ahaa ee dowladdii Sheekh Shariif iyo Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, oo isna Wasiir kasoo noqday dowladdii Allah ha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Khadiija Maxamed Diiriye, oo katirsan Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa sheegtay in sharci darro ay ahayd in Mooshinka Jawaari kasoo gudbiyeen lagu furo ama looga hadlo meel ka baxsan Xarunta Gollaha Shacabka.

Wasiir Khadiija oo kamid ah Xildhibaanada hor-boodaya Mooshinka ayaa Shirka Jaraa'id ku weerartay Shaqsiyada Jawaari, oo wax ka sheegtay aqoontiisa, waxayna cambaareysay hadalkii uu xalay Jawaari ka sheegay Shirka Jaraa'id ee uu ku qabtay Xafiiskiisa.

"Mar hadii la aqbalo Mooshinka cid ka noqon kartaa ma jirto, illaa laga geeyo Gollaha Shacabka, hadii uu mudo 15 maalmood uu ku gaari waayo Mooshinka 184 Xildhibaan, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari waa gudoomiyaha Gollaha Shacabka, hadii uu helo  codka saddex meelood labo meel, Gollaha Shacabka wuxuu dooranayaa Gudoomiye cusub," ayay tiri Khadiija.

Hadalka Xildhibaanada mucaaradka ku ah Jawaari ayaa kusoo beegmaya xilli maanta uu baaqday Fadhiga Gollaha Shacabka, kaasi oo looga doodi lahaa Mooshinka muranka khilaafka dhaliyay, kaasi oo Beesha Caalamka walaac ka muujisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty.

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 08:14PM

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM