Jawaari oo warqad jawaab ah u direy Xeer Ilaaliyaha Soomaaliya [AKHRI]

Image

MUQDISHO- Gudoomiyaha Aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya Maxamad Shiikh Cismaan Jawaari ayaa waraaq jawaab ah u qorey Xeer Ilaaliyaa Qaranka kadib markii maalmo ka hor uu ka codsadey in xasaanada laga qaado labo Xildhibaan oo ka tirsan aqalka golaha shacabka.

Qoraalkaan oo ku taariikheysanaa 19 Dec, 2017 ayaa yimid kadib markii guddiga joogtada ah ee Barlamanka Federaalka ah kulan ay yeesheen 18 Dec,2017 kasoo saareen qodobo ka koobnaa dhaliilo iyo talooyin.

Xeer Ilaaliyaha qaranka ayaa qoraalkaan waxaa uu ku dhaliiley in inta uu soo gaarsiin wax codsi ah Guddoonka Barlamanka ee ku aadanaa xasaanad ka qaadka labada Xildhibaan Xasan Macalin iyo Cabdisaabir Nuur Shuuriye uu saxaafada ka hadlay taasoo khatar galisay daganaanshaha siyaasadeed ee dalka.

Axmad Cali Daahir oo maalintii shaley hortagey guddiga joogtada ah ee aqalka hoose Barlamanka Federaalka ayaa su’aalo laga waydiiyey codsigiisii ku aadaanaa xasaanad ka qaadka Xildhibanada iyadoo sida wararku sheegayaan ku guuldareystey inuu cadeymo keeno ku aadan shaqo ka fariisinta mudanyaashaan Xasan Macalin iyo Cabdisaabir Nuur Shuuriye.

Hoos Ka Akhri Qoraalka Jawaari u Qorey Xeer Ilaaliyaha.

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM