Jeneraal lagu dilay Muqdisho; sarkaal ka dambeeyay oo la xiray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sarkaal sare oo ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa lagu dhex-dilay hoygiisa, maanta oo Sabti ah, sidda uu xaqiijiyey booliska.

Jeneraal Yuusuf Cali Qaasey ayaa lagu dhex-toogtay gurigiisa oo ku yaala xaafadda Warshadda Caanaha, degmada Hodan ee caasimada dalka dhaca Geeska Afrika.

Laamaha ammaanka oo tegay meesha ay wax ka dhaceen ayaa sheegay in ay baaritaan ku bilaabeen qaabka ay wax uga dhaceen hoyga iyo sida ay ku yimid toogashada.

Dadka degaanka meesha ay wax ka dhaceen oo khadka telefoonka kula hadlay warsidaha Garowe Online ayaa shaaciyey in ay maqleen dhawaqa dhowr xabado.

Illo wareedyo aad loogu kalsoonaan karo ayaa waxay u sheegeen mareega GO in dilka Jeneraalka uu ka dambeeyay Gaashaanle sare oo waqtigaas ku sugnaa guriga.

Macluumaadyo lagu kalsoonaan karo ayaa tibaaxaya in gacanta lagu dhigay sarkaalkii ka dambeeyay kaasoo la sheegay in la geeyay mid kamid ah saldhigyada ciidanka.

Labadda dhinac - Marxuumka iyo "gacan ku dhiiglaha" ayaa waxaa ka dhaxeeyay is-qabqabsi dhuleed, sida ay ku waramayaan xubno aad ugu dhow laba daraf.

Muranada dhulalka ayaa aad ugu dhow badan, waxaana ku lug-yeesha mas'uuliyiinta iyo saraakiisha dowladda oo xiliyadda qaar dhexdooda xiisad ka dhex-dhaliso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo xoojisay la dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah

Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa inay sanadkii ku lumiso ku dhowaad 300 milyan oo doollar kalluumaysiga sharci-darrada ah.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 12:13PM

Gudoomiyah Baydhabo oo lagu soo rogay Xabsi Guri xili xiisad ka jirto Koonfur Galbeed

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay dowladda faahfaahin dheeraad ah ka bixiso xaaladda sharciga ah ee guddoomiye Watiin.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 01:27PM