​JIG-JIGA: 15 ruux oo ku dhimatay fatahaad

Image

Ugu yaraan 15 qof ayaa dhintay, 100 qof oo kalena waxaa la dhigay cusbitaallada magalada Jig-jiga xarunta ismaamulka Somalida Ethiopia, kadib daadad xooggan oo soo galay magalada. 

Warar kale oo aan helnay ayaa dhimashada ka dhigaya 23 ruux iyagoo dhaawacana intaasi ka badan la sheegay. 

Dadka isbitaalada la dhigay ee gaaraya illaa 100 qof, ayaa isugu jira ciidankii Samatabixinta iyo dadkii deganaa hareeraha webiga. 

Wasiirka ka hortagga masiibooyinka iyo u diyaargarawga ee dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya, Maxamed Daahir Ismaaciil ayaa VOA-da u sheegay in sidoo kale ay jiraan sideed qof oo weli la la’ yahay nolol iyo geeri. 

Daadanka ayaa yimi meelo badan oo DDSI kamid ah ka da'een roobab. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo Isku Haya Doorashooyinka iyo Dastuurka Soomaaliya

Xiisaddan siyaasadeed ayaa imanaysa iyadoo ay weli jirto walaac laga qabo jihada mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 10:42PM

Halkee Marayaa Shirkii u Dhexeeyey Golaha Mustaqbalka iyo Dowladda Federaalka?

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii ay guul-darraysteen dadaallo hore oo lagu doonayay…

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 03:08PM