Jubaland iyo Denmark oo ka doodey doorashada Soomaaliya

Image
Kulankan ayaa sidoo kale waxaa lagu lafa-guray xaalada abaaraha iyo sidii wax looga qaban lahaa.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Dowlada Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa Isniinta maanta ah wuxuu kulan la qaatay Safiirka Denmark ee Soomaaliya iyo Kenya Danjire Ole Thonke.

Kulanka ayaa "lagaga hadlay abaaraha ka jira qeybo kamid ah Jubaland kuwaas oo saamayn ku yeeshay nolosha dadka iyo xoolaha iyadoo  gurmad baaxad leh ay Dowlada Jubaland wado kaas oo lagu tageerayo dadka ay dhibaatada abaartu saamaysay".

"Waxaa kale oo masuuliyiintu ay wada hadal qoto dheer ka yeesheen arimaha Doorashooyinka," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyadda dowlad goboleedka Jubaland.

Dhanka kale, Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Jubbaland ku qaabilay wafdi ka socday hay'adda cunada iyo beeraha ee (FAO).

Wafdigan oo uu hogaaminayey wakiilka Soomaaliya u qaabilsan hey'adda FAO, Etienne Philips, ayaa qaar kamid ah Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland ka dhageystay  baahiyaha ka jira deegaanada Jubbaland.

Sida laga soo xigtay war-saxaafadeedka,intii uu shirku socday waxaa si weyn diiradda loo saaray sida ay muhiimka u tahay in abaaraha deegaanada Jubbaland ka jira wax badan laga qabto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM