Jubaland oo dalab ka dhan ah Al-Shabaab u dirtay Caalamka

Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday deegaanka Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha ayaa halkaas u tagay si uu u dhiiri galiyo Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland ee halkaas saldhiga ku leh oo maalmahii lasoo dhaafay fuliyay howlgalo lagu naafeeyay Kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo qayb kamid ah Ciidamada kula hadlay halkaas ayaa sheegay in howlgaladii u danbeeyay ee ay fuliyeen Ciidamadu ay Tusaale u ahayd sida ay uga go’antahay xoraynta dalka isagoo xusay in tobaneeyo katirsan Kooxda Al-Shabaab howlgaladaas lagu dilay sidoo kale waxaa uu intaas ku daray in qaar nool gacanta lagu hayo iyaga iyo hubkoodii.

Waxaa uu xusay Madaxweynahu in Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland ay yihiin kuwo naftooda u huraya sidii nabadgalyada iyo daganaanshaha gacan adag loogu qaban lahaa taas oo ay ku mahadsanyihiin Ciidamadu sida ay mar walba usii adkayanayaan dagaalka ka dhanka ah Argagixisada Caalamiga ah.

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu sheegay in deegaankan laga hirgaliyay Adeegyo kala duwan oo aan jirin kahor intaan Al-Shabaab halkan laga xorayn sida caafimaadka Waxbarashada biyaha iyo adeegyo kale taas oo lagu gaaray nabada iyo doorka dadka deegaankan ay ku leeyahiin garab istaaga Ciidamada.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in Argagixisada lagaga adkaan karo in loo midoobo waxaa uu ugu baaqay dhamaan dhinacyada ay qusayso in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab si dhibaatada looga dulqaado shacabka wuxuu sheegay Madaxweynahu in dhibaatada dhinaca Amniga ah ee ka taagan qaybo badan oo dalka kamid ah loo baahan yahay in dhab loo wajaho.

Waxaa Madaxweynaha booqashadan ku wehelinayay Sarakiisha Ciidamada iyo Wasiirka Wasaarada Cadaalada Garsoorka iyo Arimaha diinta Mudane Maxamed Yusuf Cumar.

MUUQAALKA AXMED MADOOBE

Madaxtooyadda Jubaland

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM