Jubaland oo gacanta ku dhigtay Askar doonayay in hubka dowladda ay ka iibiyaan AS

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka dowlad goboleedka Jubbaland, ayaa gacanta ku soo dhigtay laba askari oo ku kacay qiyaano qaran, kadib markii ay isku dayeen inay hubkooda iyo agabka Dowladda ku wareejiyaan Kooxda ‘AS’.

Maanta ayay hay’addu soo bandhigtay Cabdifataax Nuur Cabdullaahi iyo Xasan Cabdulaahi Maxamed, kuwaas oo qaatay qalab ciidan oo ay isku dayeen in ay ka iibiyaan AS, sida lagu sheegay war lagu daabacay warbaahinta dowladda.

Eedeysanaha ayaa la soo xiriiray xubno ka tirsan kooxda ka hor inta aysan ka ambabixin magaalada Kismaayo iyaga oo ku wajaahan degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Labadan askari ayaa AS ka helay balan qaad ah in qalabkan ay ku iibsanayaan lacag dhan 20,000$, si nabad ahna ay ugu fasaxi doonaan inay ka gudbaan dhulka ay kooxdu maamusho.

Ugu dambayntiina waxa ay gacanta u galeen dawladda oo iyadu wali ku guda jirta baadhitaanka dhacdadan, isla markaana ay qaadayso tallaabo kasta oo lagula xisaabtamayo labada askari ee falkaas geystay. Sida ay dowladdu sheegtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM