Jubaland oo ka hadashey shirka Muqdishu

Image

MUQDISHU: Maamulka Jubaland  oo ka mid ah maamul goboleedyada  ka tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay go'aankii dowlada Somalia ee shirka wada-tashiga qaran (MWQ)  ee lagu qabtey magaalada Muqdisho.

Shir jaraa’id oo uu magaalada Muqdishu ku qabtay afhayeenka maamulka Jubaland  Cabdinaasir Seeraar Maax  ayaa waxa uu sheegey in maamulkoodu  taageersan yahay qoraalka xukuumada Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid kasoo saartey Muqdisho ee ku saabsanaa  qaabka doorashada noqonayso sanadkan 2016.

“Maamulka Jubaland waxa uu soo dhowaynayaa  war murtiyeedkii Shirkii madasha wada tashiga qaran (MWQ)  ee ka dhacay  magaalada Muqdisho” sidaasi waxaa yiri  afhayeen Cabdinaasir Seeraar  Maax .

 Afhayeen Jubaland ayaa ugu danbayntii sheegey “ inkastoo aan weli wax la saxiixin oo wax  badani dhiman yihin haddana Jubaland waxay qaadatay go’aanka inta badan ee ay ku jirto beesha caalamka".       

 Shirka  wada-tashiga madaxda Somaliyeed ayaa waxaa ka soo baxay in tirada kuraasta baarlamanka Hoose ee dalka uu noqdo 275 laguna qabsado 4.5 halka aqalka sare lagu soo xulo qaab  degaan iyadoo Somaliland iyo Punland yeelanayaan min 11 Xubnood halka  afarta Maamul Goboleed ee kale ay  qaadanayaan 8 xubnood.

 Puntland ayaa diidey go'aanka dowlada Federaalka kaasoo tageero ka heley beesha caalamka iyadoo madaxweyne Gaas iyo waftigiisa maanta dib ugu soo noqdeen magaalada Bosaso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM