Jubaland oo lagu wareejiay labo gaari nooca gurmadka degdeg ah

Image
Baabuurtan ayaa kamid ah deeq ka timid Boqortooyo’s Sacuudi Carabiya kuwaas oo loogu talagalay xaqiijinta badqabka shacabka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam ayaa maanta labo Gaari oo nooca gargaarka deg degga ah isla markaana loogu talagaley fududeynta adeegyada Caafimaadka ku wareejiyey Wasiirka Caafimaadka Dowlad goboleed Jubbaland.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Dr. Ali Haji Aden ayaa sheegey in Gawaaridan qalabaysan ay wax wayn ka tari doonaan Caafimaadka dowlad goboleedka Jubaland, isagoona sidoo kale tilmaamey in Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u taagan tahay xilli kasta horumarinta Caafimaadka guud dalkeen.

Dhankiisa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka dowlad goboleed Jubaland Eng Ismaaciil Axmed
Garras ayaa ka mahadceliyey gaadiidka lagu wareejiyey waxa uuna tilmaamey in loogu adeegi doona bulshada dowlad goboleed Jubaland si loo xaqiijiyo bedqabka bulshada iyo guud ahaan yoolka Qaranka ee Caafimaadka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go'an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka Qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Garowe Online oo ka digtay xannibaadaha Facebook, xilli Meta lagu haysto qaladaadka AI-da

Sida ay qortay The New York Times, Meta waxay sii ballaarinaysaa adeegsiga AI-da si ay u go’aamiso akoonnada la xannibayo.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 04:59AM

Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka wada hadlay xasilloonida Geeska Afrika iyo iskaashi cusub

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    21-07-2026

  • 07:22AM