Jubaland oo qaylo-dhaan u diray Beesha Caalamka

Image
Image
Image
Maxamuud Sayid Aadan ayaa gudoomiyey shir socday muddo labo maalin ah oo uu la qaatay qaar kamid ah golaha wasiirada Jubbaland.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ahna kusimaha Madaxweynaha, Maxamuud Sayid Aadan ayaa gudoomiyey shir socday muddo labo maalin ah oo uu la qaatay qaar kamid ah golaha wasiirada Jubbaland.

Shirkan ayaa looga hadlay arrimaha Doorashada Dalka, Arrimaha Amniga iyo Xaaladda abaaraha ka jira deegaanada Jubbaland, Waxaana masuuliyiintu ay isku raaceen in wax laga qabto dhammaan arrimahaas.

Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa baaq u diray Ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka in ay ka qayb-qaataan samata-bixinta dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Dhanka kale Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ka tacsiyeeyey saraakiishii iyo ciidamadii ku dhintay deegaanka Tuulo-barwaaqo ee duleedka degmada Garbahaarey, iyaga oo dagaal kula jira Kooxda Argagixisada ah ee Al Shabaab, Waxaana uu Alle uga baryey in uu naxariistii Janno ka waraabiyo, kuwa dhaawaca ahna u booga dhayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo Wadahadal la Yeeshay Amiirka Qatar

Xiriirka Soomaaliya iyo Qatar ayaa ahaa mid dhow oo xooggan xilligii madaxweynanimada Farmaajo.

  • Soomaliya

    10-02-2025

  • 04:43PM

Dowladda Soomaaliya oo Si Adag U Cambaareysay Hadalka Netanyahu

Cambaareyntan waxay la jaanqaadaysaa jawaabta Sacuudiga, kaasoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ay ku eedeysay Netanyahu.

  • Soomaliya

    10-02-2025

  • 09:28AM