Jubaland oo shaacisay ciddii Itoobiyaanka ku laysay BeledXaawo

Image
Lix qof oo Itoobiyaan ah ayaa kamid ahaa 7 ruux oo lagu laayay magaaladan ku taalla xuduudka.

KISMAAYO, Jubaland - Maamulka degmada Beled Xaawo ayaa sheegay in lix qof oo Itoobiyaan ah ay ka mid ahaayeen 7 qof oo lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay magaaladan dhacda xadka Itoobiya iyo Kenya.

Wasiirka amniga maamulka Jubbaland ayaa sheegay in maamulkooda uu aaminsan yahay in Al-Shabaab ay beegsadeen dadka u dhashay dalka Itoobiya, kuwaasoo magaalada u joogay arrimo ganacsi iyo shaqooyin guri.

Yuusuf Xuseen Dhuumaal ayaa xusay in afar nin oo hubeysan ay ka dambeeyeen weerarka, isaga oo intaas ku daray in ciidanka amniga ay ka daba tageen balse kooxda weerarka soo qaaday ay ku baxsadeen mooto una carareen dhanka deegaanka Gadoon Dhawe oo ay maamulaan Al-Shabaab.

Dhuumaal oo wax laga weydiiyay sababta ka dambeysay weerarkaasi, ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in mintidiinta ay damacsanaayeen inay “isku dhac ka dhex abuuraan Soomaalida iyo Itoobiya.

"Waxay leeyihiin laba ujeedo - mid waa argagixisanimada oo ay yaqaaniin, iyo sidoo kale inay khalkhal galiyaan dadka nagu dhex nool oo ka shaqeeya oo [ku qasbaan inay] cararaan," ayuu yiri.

Guddoomiyaha degmada Beledxaawo, C/rashiid Cabdi Caroog oo la hadlay VOA-da ayaa caddeeyay in mas’uuliyiinta ay qaadi doonaan tillaabooyin amni oo dheeri ah si loo ilaaliyo rayidka.

"Annaga maadaama aan nahay mas'uuliyiinta mas'uulka ka ah amniga deegaanka dhacdadani waxay noo tahay calaamad su'aal," ayuu hoosta ka xariiqay gudoomiyaha.

Waxa uu intaas raaciyay hadalkiisa: "Waa inaan ka jawaabnaa, waa inaan qaadnaa tillaabooyin lagu xaqiijinayo amniga iyo inaan hubinno in shil la mid ah uusan mar kale dhicin."

Caroog ayaa waxa uu sheegay in dadkii la dilay Isniintii lagu aasay Beled Xaawo. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi. Falkan wuxuu imaanayaa xilli ay xiisad ka dhex-jirto labada dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo Soo Dhaweeyay Heshiiska Xabbad-joojinta ee Gaza

Heshiiska ayaa la filaya inuu soo afjaro xasuuqa mudada ka socda magaaladda oo ku dhawaad 60,000 qof lagu dilay.

  • Soomaliya

    16-01-2025

  • 12:08PM

Al-Shabaab oo Soo Bandhigtay Muuqaalka Askari Kenyan ah

Dowladiisa Kenya ayuu ka codsaday inay soo badbaadiso, maadaama uu mudo dheer ku jiray gacanta Kooxda.

  • Soomaliya

    16-01-2025

  • 07:15AM