Jubaland oo sheegatay dilka in ka badan 70 Al-Shabaab ah

Image
Howlgalkan ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhacay deegaanka Aboodin ee gobolka Jubbada Hoose.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in ay dileen in ka badan 70 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Howlgalkan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Aboodin ee gobolka Jubbada Hoose, sida ay warbaahinta dowladda ay kasoo xigatay saraakiil aysan sheegin magacyadooda.

“In ka badan 70 dagaalameyaal iyo taliyayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada XDS, kuwa Jubbaland iyo saaxiibada caalamiga ah ee ciidamada ka taageeraya dagaalka lagula jiro argagixisada,” ayuu yiri TV-ga dowladda Jubbaland Sabtidii.

Howlgalkan ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay Khamiistii sheegtay in 33 ka tirsan ciidamada Danab oo ka tirsan ciidamada XDS ay ku dileen galbeedka magaalada Kismaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo shaaciyay Khataraha Jiritaanka Soomaaliya

Wuxuu iftiimiyay halista ay leedahay aragtida gooni-u-goosatada oo uu ku tilmaamay mid gurracan oo wax u dhimaysa midnimada qaranka.

  • Soomaliya

    17-01-2025

  • 09:02AM

Ciidamada Puntland oo Gacanta Ku Dhigay Xarumo Muhiim ah oo Daacish laga saarey

Guushan ayaa waxaa lagu tilmaamay inay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo nabadda iyo amniga guud ee Puntland.

  • Soomaliya

    17-01-2025

  • 07:12AM