Jubaland oo sheegtay inuu isku soo dhiibeen xubno AS ah

Image
Xubnaha soo goostay ayaa la sheegay inuu ku jiro horjooge sarre oo ka tirsan xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

MUQDISHO, Soomaaliya - Saraakiisha Soomaalida ee ku sugan Jubaland ayaa sheegay in afar ka tirsan Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen ciidamada dowladda iyo kuwa gobolka ee ku sugan magaalada Buulo Xaaji oo todobaadkii hore laga qabsaday maleeshiyada.

Maleeshiyada isa soo dhiibtay ayaa waxa ay isugu jiraan kuwa maaliyadda iyo sirdoonka iyo sidoo kale amiirkii deegaanka, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Hogaamiyaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa Isniintii booqday Buulo Xaaji wuxuuna wacad ku maray in ciidamada dowlada aysan dib usoo laaban doonin.

Dhanka kale Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Waajid ee Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale sheegay in Ibraahim Sheekh Aadan oo 16-sano ka tirsanaa Al-Shabaab uu isku soo dhiibay maamulka deegaanka, isaga iyo qorigii uu watay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla Jubaland

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegatay inay gabi ahaanba la wareegtay saldhigga iyo jasiiradda Kudhaa.

  • Soomaliya

    21-01-2026

  • 09:09AM

Soomaaliya iyo Qatar oo Xoojiyay Xiriirka Difaaca Kadib Khilaafka Imaaraadka

SONNA ayaa sheegtay in heshiiskan uu diiradda saarayo xoojinta iskaashiga difaac, horumarinta hannaanada isku-dubaridka amniga.

  • Soomaliya

    20-01-2026

  • 05:07AM