Jubaland oo soo saartey go'aano la xiriira ka hortagga Coronavirus

Image

KISMAAYO, Jubaland – Kadib shir deg-deg ah oo maanta ay yeesheen Golaha Wasiirada, maamulka Jubaland ayaa soo saarey go'aano la xiriira ka hortagga fayruska dunida saameynta ba'an ku yeeshay ee Corona.

Go'aanada, oo la faray in sidda ugu dhaqsiyaha badan loo dhaqan-geliyo, ayaa kala ah; in si ku meelgaar ah loo xiro Masaajida si lamid ah in la joojiyo kulamada balaaran ee dadweynaha.

Intaas waxaa wehlisa in baaritaano dheeraad ah la marsiin doono dadka soo galaya ama ka baxaya Jubaland gaar ahaan garoomada diyaaradaha iyo xuduudaha.

War-saxaafadeedka kasoo baxay kulanka oo nuqul kamid ah ay aragtay warbaahinta ayaa dadweynaha ku booriyey in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah.

Jeneraal Maxamed Warsame Darwiish, wasiirka arrimaha gudaha maamulka madaxweyne Axmed Madoobe ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay go'aanaddaas.

Darwiish ayaa hoosta ka xariiqay in go'aanadaas aysan saameyn doonin gobolka Gedo maadaama "ay qabsatay" dowlada federaalka Soomaaliya oo uu ugu baaqay "in ay ka naxdo badbaadisana shacabka".

Coronavirus ayaa soo gaarey gudaha Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho oo hal kiis laga xaqiijiyey. Wasaaradda Caafimaadka oo gacanta ku haysa muwaadinkaas waxay tilmaamtay in xaaladiisu ay fiican tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM