Jubaland oo xilka ka qaadey mas'uuliyiin u socdaalay Muqdisho

Image

KISMAAYO, Jubaland – Dowlad goboleedka Jubaland ayaa waxaa lagu waramayaa in uu xilka ka qaadis ku sameeyay saddex mas'uul.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee gobolka Gedo iyo gudoomiyeyaasha Luuq iyo Baardheere ayaa lagu wargeliyey xilka ka qaadista.

Mas'uuliyiintaas ayaa la sheegay in ay u socdaaleen Muqdisho lana kulmeen saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maamulka Axmed Madoobe ayaa eryida u cuskadey in saddexda mas'uul ku kaceen "falal lagu wiiqayo jiritaanka maamulka Jubaland".

Villa Soomaaliya ayaa la xaqiijiyey in ayka shaqeyneyso sidii ay saameyn balaaran ugu yeelan lahayd siyaasadda gobolka Gedo.

Jubaland oo cambaareysay isku dayadda Madaxtooyadda ayaa sheegtay in dowladda ay adeegsaneyso ciidamo Itoobiyaan ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Axmed Madoobe ayaa lagu shaaciyey in dowladdu ay gobolka Gedo ka dhiseyso "maamul sharci darro ah".

Bayaanka ayaa lagu waydiistay Beesha Caalamka in ay ka shaqeeyaan sidii ciidamadaas looga saari lahaa guud ahaan gobolka Gedo.

Xiriirka Jubaland iyo dowladda ayaanan hagaagsaneyn tan iyo wixii ka dambeeyay doorashadii uu kusoo baxay madaxweyne Axmed Madoobe.

Dhinaca kale, warar ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo maamulada dalka ka shaqeynayaan isu soo dhoweynta labadda dhinac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM