Jubbaland oo beenisay duqaynta Gedo

Image

KISMAYO- Maamulka Jubbaland ayaa markii ugu horaysay beeniyay duqaynta diyaaradaha ciidamada Kenya ee gobolka Gedo, taaso lagu laayay dad shacab ah sida ay horay warbaahinta ugu xaqiijiyeen maamulka iyo waxgarad kasoo jeeda Gedo gaar ahaan nawaaxiga deegaanka Ceelcadde.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur "Janan" oo lahadlay VOA, ayaa tilmaamay inaysan jirin duqaymo dad lagu laayay oo diyaaradaha ciidamada Kenya ka gaysteen gobolka.

Janan oo qiray inay dadku dagaallo ka cararayaan ayaa xusay in taasi macnaheedu ahayn in ciidamada Kenya duqayn ka gaysanayaan Gedo.

Hadalka wasiirka ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Jubbaland, ayaa kusoo beegmay xilli dhawaan Xildhibaano katirsan Barlamanka ee kasoo jeeda Gedo iyo shacabka gudaha ku dhaqan sheegeen in duqaymo ay gaysanayaan diyaarado laga leeyahay dalka Kenya, waxayna shaaciyeen in lagu laayay dad u badan xoolo dhaqato, iyagoo cadeeyay dhimashada todoba ruux.

Duqayntan, ayaa ka dhalatay kadib markii ciidamo katirsan AMISOM kana socda dalka Kenya, kooxda Al-Shabaab ku weerareen saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Ceelcadde, waxaana lagu dilay kudhawaan boqol askari, balse weli tirada rasmiga ah ma sheegeen xukuumadda fadhigeedu yahay Nairobi.

Weerarkaas kadib laamaha ammaanka dalkaas ayaa wacad ku mareen inay ka aar-goosan doonaan kooxda Shabaab, iyagoo xilligaa kadib bilaabay weeraro cirka ah oo lala eeganayo deegaanada u dhow saldhigoodii la weeraray.

GAROWEONLINE

Related Articles

Halkee Marayaa Shirkii u Dhexeeyey Golaha Mustaqbalka iyo Dowladda Federaalka?

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii ay guul-darraysteen dadaallo hore oo lagu doonayay…

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 03:08PM

Qaramada Midoobay oo Soo Dhaweysay Wadahadallada Dowladda Soomaaliya iyo Gollaha Mustaqbalka

Maadaama uu soo dhow yahay dhammaadka muddooyinka dastuuriga ah isla markaana ay jiraan arrimo qaran oo u baahan heshiis.

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 10:44AM