Jubbaland oo ku dhawaaqay kiisas cusub oo ah fayruska Corona

Image

KISMAAYO, Jubaland - Guddiga Jubaland u qaabilsan ka hortagga iyo xakameynta Coronavirus ayaa maanta oo Talaado ah wuxuu ku dhawaaqay in uu diiwaan-geliyey saddex kiis cusub oo ah cudurkaas.

Sidda laga soo xigtay warbixinta, saddexda kiis ayaa kamida tobban qof oo laga baarey caabuqa safmareenka ah, laba waxaa la sugayaa natiijadooda, halka shanta kale laga waayey xanuunka Covid-19.

Tani ayaa ka dhigan in tiradda guud ee kiisaska Coronavirus ee degaanada Jubaland ay haatan gaartay shan, maadaama horaantii bishaan laga xaqiijiyey Kismaayo laba xaaladood oo colkaas qarsoon ah.

Dhanka kale, guddiga ayaa wuxuu cod dheer kaga codsaday shacabka in ay xoojiyaan feejignaanta isla markaana u dhega-nuglaadaan talooyinka caafimaad ee kaga imaanaya Wasaaradda iyo guddiga.

Balse, warbixinta ayaa nan lagu caddeynin magaalooyinka bukaanada cusub ay ku sugan yihiin maadaama horey ay uga dhawaajiyeen in kiisas laga shakiyey lagu arkay meelo kala duwan.

Jubaland ayaa kamid ah maamulada xubinta ka ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee qaadey dardargeliyey wacyi-gelinta iyo talaabooyinka looga gaashaamanayo in uu faafo fayruskaas.

Bandow ayaa habeenkii lagu soo rogay magaalooyinka waaweyn. Sidoo kale, meelaha dadka ku kulmaan ayaa la amray in albaabada loolaabo. Intaas waxaa wehlisa, in la faray Masaajida in ay koobaan Salaadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM