Jubbaland oo magacaawday wakiil u joogi doono Dowladda Kenya

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa u magacaabay Sadik Abdullahi Bogale Wakiilka Maamulka Jubbaland u jooga dalka Kenya.

Go’aankan ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Madoobe, ayaa waxa ay bulshada ku soo kordhisay walaac ku aadan awooda dowladda dhexe ee arrimaha siyaasadda dibadda.

Sida ku cad wareegtada magacaabista, Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu soo qaatay cutubka 4-aad, qodobka 72-aad, farqadiisa (3) ee dastuurka dowladda Jubaland, kaasoo awood u siinaya inuu soo magacaabo xubnaha golaha fulinta ee Jubaland.

Madaxweynaha ayaa ka hor inta uusan go’aankan gaarin waxa uu kala tashaday Madaxweyne ku xigeenada Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM