Jubbaland oo sheegtay inay dishay 40 kamid ah Al-Shabaab

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa sheegaya in ciidamada maamulkiisa ay howlgal ku dileen 40 xubnood oo kamid ahaa Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in xubnaha Al-Shabaab lagu dilay deganada Beerxaani, Kaamjaroon Araare iyo Jamaame, oo ku dhaw magaalada Kismaayo, ee xarunta KMG maamulka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa bogaadiyay howlgaladda Ciidamada ay ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, kuwaasi oo billow u ah Howlgal Al-Shabaab looga saarayo Jubbooyinka iyo Gedo.

Isagoo hoosta ka xariiqay in ay Ciidamada sidii loogu tala galay hawlgaladan u fuliyeen isla markana aysan wax khasaare ah dhankooda iyo dadka ra’yidka ah kasoo gaarin.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa xusay in hawlgaladan ay sii socon doonaan islamarkaana meel walba lagu beegsan doono Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM