Jubbaland oo sheegtay xubno Shabaab katirsanaa ay isa soo dhiibeen

Image

GARBAHAREY, Soomaaliya - Taliska ciidamada Nabad Sugida gobolka Gedo ee maamulka Jubbaland, ayaa sheegay in ku dhawaad 10 xubnood oo katirsanaa Al Shabaab ay isa soo dhiibeen.

Cali Xasan Deeq, oo ah Taliyaha Nabad Sugida Gedo ayaa warbaahinta u sheegay in 7 illaa 8 xubnood oo kasoo goostay Al Shabaab ay dhankooda isku soo dhiibeen Todobaadkan gudahiisa.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in kuwa isa soo dhiibay ay u gudbin doonaan magaalada Kismaayo, halkaasi oo ay ku taallo xarun lagu dhaqan-celiyo dagaalyahanada kasoo baxa Al Shabaab.

Waxa uu dhanka kale ugu baaqay kuwa ku harsan Shabaab inay ka faa'idaystaan cafiska Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, islamarkaana ka shaqeeyaan nabad iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Al Shabaab kama hadlin hadalka sheegashada Jubbaland ee ku aadan inay is dhiibeen xubno iyada katirsanaa, mana jiraan illo madax-banaan oo xaqiijinaya warka Taliyaha Nabad Sugida gobolka Gedo.

Jubbaland iyo Al Shabaab ayaa mudooyinkii dambe warbaahinta usoo bandhigayay dagaalyahano iyo Askari labada dhinac ay sheegeen in midba midka kale dhankiisa usoo goosteen.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Warbixin: Nidaamka E-Visa-da Soomaaliya oo Weli La Tacaalaya Daldaloolo Amni

Falcelinno ka yimid hay’adaha caalamiga ah ee ilaaliya xogta ayaa ku tilmaamay tallaabada…

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:45AM

Nidaamka E-Visa ee Soomaaliya oo Amnigiisa sugnayn, Xogta Dad badan oo Khatar Ku Jirta

Toddobaadkan, Al Jazeera ayaa ku guuleysatay inay ku celiso nuglaanshaha uu tilmaamay isha xogta bixisay.

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:26AM