Juxa: Soomaaliya wa dayacan tahay [Daawo]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka, Cabdi Faarax Saciid "Juxa", ayaa maanta xilka si rasmi ah ugu wareejiyay Wasiirka cusub Cabdi Maxamed Sabriye.

Isagoo ka hadlayay munaasabada xil-wareejinta, ayaa Juxa sheegay in dalka Soomaaliya nugul yahay, islamarkaana shacabkiisa ay Siyaasad ahaan iyo Amni ahaan ay u dayacan yihiin, meel fogna laga yimid.

Waxuu sheegay in dalka uu yahay mid dhaqaalihiisa uu liicayo, sidoo kalena kalsoonida shacabka ay kala daadsan tahay, iyadoo taasi ugu wacan tahay Siyaasad xumada, isagoo ku baaqay isku-dulqaadasho iyo talo-wadaag.

Juxa ayaa xusay in koox ama shaqsi kaliya aanay xaalada dalka wax ka qaban karin, isla markaana loo baahan yahay in dood caafimaad oo dhab ah laga yeesho xaaladaha jira, iyadoo aan la eegin dan shaqsiyeed ama dan kooxeed.

"Si meesha la joogo horey looga sii socdo, dalka waxuu u baahan yahay dood caafimaad, oo dhab ah, xasaasi ah, oo mararka qaar xanuun badan, balse aan qofaysneyn, aan siyaasadaysneyn, aan danaysneyn, laakiin Soomaaliyeysan," ayuu yiri Juxa.

Juxa ayaa xusay in sanadihii ugu dambeeyay ay dalka kasoo ifbaxeen labo kooxood, oo uu kala Wadaad/Sheekh shabada cadaabta/naarta ku dhufta Wadaadka kale ee ka feker duwan iyo Madax ninka ka feker duwan ku dhufata shabada mucaarad-nimada ama qaran-dumiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM