Juxa: Soomaaliya wa dayacan tahay [Daawo]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka, Cabdi Faarax Saciid "Juxa", ayaa maanta xilka si rasmi ah ugu wareejiyay Wasiirka cusub Cabdi Maxamed Sabriye.

Isagoo ka hadlayay munaasabada xil-wareejinta, ayaa Juxa sheegay in dalka Soomaaliya nugul yahay, islamarkaana shacabkiisa ay Siyaasad ahaan iyo Amni ahaan ay u dayacan yihiin, meel fogna laga yimid.

Waxuu sheegay in dalka uu yahay mid dhaqaalihiisa uu liicayo, sidoo kalena kalsoonida shacabka ay kala daadsan tahay, iyadoo taasi ugu wacan tahay Siyaasad xumada, isagoo ku baaqay isku-dulqaadasho iyo talo-wadaag.

Juxa ayaa xusay in koox ama shaqsi kaliya aanay xaalada dalka wax ka qaban karin, isla markaana loo baahan yahay in dood caafimaad oo dhab ah laga yeesho xaaladaha jira, iyadoo aan la eegin dan shaqsiyeed ama dan kooxeed.

"Si meesha la joogo horey looga sii socdo, dalka waxuu u baahan yahay dood caafimaad, oo dhab ah, xasaasi ah, oo mararka qaar xanuun badan, balse aan qofaysneyn, aan siyaasadaysneyn, aan danaysneyn, laakiin Soomaaliyeysan," ayuu yiri Juxa.

Juxa ayaa xusay in sanadihii ugu dambeeyay ay dalka kasoo ifbaxeen labo kooxood, oo uu kala Wadaad/Sheekh shabada cadaabta/naarta ku dhufta Wadaadka kale ee ka feker duwan iyo Madax ninka ka feker duwan ku dhufata shabada mucaarad-nimada ama qaran-dumiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM