Keating iyo Taliyaha AFRICOM oo kawada hadlay dagaalka Al-Shabaab

Image

MUNICH - Wakiilka gaarka ee QM u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Michael Keating iyo Taliyaha guud ee Ciidamada Mareykanka ee qaaradda Africa [AFRICOM], Jeneraal Thomas Waldhauser ayaa kawada hadlay Xaaladda amni ee dalka Soomaaliya.

Keating iyo Thomas oo isku arkay Shirka amniga ee ka furmay magaalada Munich, Jarmalka [Munich Security Conference] ayaa isla soo qaadey arrimo dhowr ah oo ay kamid ahaayeen khatarta amni ee Soomaaliya iyo dagaalka Al-Shabaab.

Waxay labada mas'uul ayaa is-tusay in Soomaaliya ay u baahan taageerada beesha caalamka, si looga adkaado Al-Shabaab, islamarkaana dalka loogu soo celiyo nabadda iyo xasiloonida, oo mudo ku dhaw 30 sano ay la dagtay colaad.

Ergayga QM ee Shirka Munich ka jeediyay khudbad uu arrimaha Soomaaliya uga warbixiyay ayaa sheegay in loo bahan yahay isku-dabarid in lagu sameeyay wadashaqeynta beesha caalamka, si markaasi loo wiiqo argagaxisada, lana taageero dowladda Federaalka.

Taliyaha Taliyaha guud ee AFRICOM Jeneraal Thomas Waldhauser ayaa hoosta ka xariiqay in Xaaladda Soomaaliya ay wax badan iska-bedeleen, balse khatarta kooxaha argagaxisada, gaar ahaan Al-Shabaab ay wali jirto, loona baahan yahay in meel looga soo wada jeesto.

Thomas Waldhauser ayaa xusay in duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya ay dharbaaxo lixaad leh ku dhufteen Al Shabaab, islamarkaana hoos u dhigtay awooddii Kooxda kadib markii looga dilay hohaamiyaal sare, iyadoo sidoo kale looga hortagay weerarao qaraxyo ah oo ku wajahnaa shacabka Muqdisho.

Mareykanka ayaa ka jooga Soomaaliya Askar lagu qiyaasay illaa 500, kuwaasi oo ka gacan siiya Ciidamada dowladda iyo AMISOM weerarada gaarka ah ee lagu qaado Al-Shabaab, iyagoo Duqeymaha dhanka cirka ah ku taageera.

Tan iyo sanadkii tagey, Ciidamada Mareykanka ayaa in k abadan 35 weerarka oo cirka ah ka fuliyay Soomaaliya, kuwaasi oo AFRICOM sheegtay in lagu dilay boqolaal dagaalyahan, oo kuwa Daacish ay kamid ahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM