Kenya oo dib u billowday dhismaha darbiga Xadka Soomaaliya [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Balad Xaawo - Ciidamada dowladda Kenya oo wata gaadiidka dagaalka, ayaa saaka lagu arkay xuduuda Soomaaliya ay kala wadaagto dhanka magaalada Balad Xaawo, ee gobolka Gedo.

Qaar kamid ah shacabka Balada Xaawo oo la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in derbiga dib loo billaabey dhisamaha derbiga, kaasi oo Kenya ay marsiinayso gudaha degmadaasi, iyadoo arintaasina ay ka dhalatay xiisad colaadeed.

Horaantii sanadkan ayaa shacabka iyo maamulka degmada Balad Xaawo kahor tagey dhisamaha derbiga ee laga dhisayo gudaga magaalada, waxaana dhacay iska hor-imaad dhex maray shacab carasan iyo Ciidamada Kenya.

Kulan ay dhawaan yeesheen mas'uuliyiinyta maamulka degmada Balad Xaawo iyo kan Mandheera ayaa fashilmay iyadoo la xiray xuduuda ay labadaasi magaalo wadaagaan oo isaga kala gudbi jiray ganacsiga iyo waxbarashada.

Dowladda Kenya ayaa horey u sheegtay inay derbi dheer oo 700KM gaaraya ay ka dhisayso xuduuda Soomaaliya kala wadaagto dhanka gobolka Waqooyiga bari, si ay uga hortagto weerarada Al Shabaab, islamarkaana ku ilaaliso amaankeeda.

Mas'uuliyiin iyo Wasiirro katirsana dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa dhowr jeer oo hore booqday goobta laga dhisayo derbiga, kuwaasi oo shacabka warbixin ka siinin wali waxyaabihii ay kusoo arkeen xuduuda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM