Kenya oo go'aan cusub ka gaartey dhismaha Derbiga Xadka Soomaaliya

Image

BELED XAAWO - Dowladda Kenya ayaa soo saartey go'aan cusub kaasi oo ay ku joojisay dhisamaha derbiga xuduuda Soomaaliya, kaidb markii wadahadal uu dhex-maray mas'uuliyiinta labada dowladood.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Magaalada Balad Xaawo oo ah halka uu ka socday dhismaha derbiga, ayaa lagu qabtey kulan ay yeesheen wakiillo ka kala socotay dowladaha Kenya iyo Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa mid hordhac ah ayaa waxaa yeeshay Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumad Aadan iyo Madaxa amniga Gobolka Waqooyi Bari Maxamuud Saalax oo ay wheliyaan mas'uuliyiin kale.

Waxay labada dhinac ku heshiiyeen qodobo Muhiim u ah oo lagu dhameynayo xiisada ka dhalatay darbigii ay dowladda enya ka dhiseysay magaalada Balad Xaawo, kaasi oo dhaliyay kacdoon Shacab.

"Heshiis dhameystiran wali lama gaarin, balse waxay mas'uuliyiinta isla garteen marka hore in dhisamaha derbiga la joojiyo, kadibna la isagu yimaado kulan kale," ayuu yiri mas'uul la hadlay GO.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in todobaadkan uu labo jeer khadka Taleefonka kula hadlay Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Kenya, isagoo kala hadlay arinta dhisamaha derbiga xuduuda.

Kenya ayaa doonaysa in derbi dhirirkiisu gaarayo 700KM inay ka dhisto Xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya, si ay uga hortagto weerarada Al Shabaab ay ka fuliso dalkeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM