Keyd qaraxyo ah oo laga burburiyey AlShabaab lagana qabtay xubno

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland – Taliska Nabad-sugida iyo Sirdoonka maamulka Jubbaland ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu dagaalameyaasha Al-Shabaab ka burburiyey "keyd qaraxyo iyo miinooyin kadib howlgal qorsheysan".

Sidda lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay taliska, keydkaan ayaa ku yaalay gudaha magaaladda caasimada ku meelgaarka ah ee Kismaayo si gaar ah xaafada Shaqaallaha agagaarka Suuqa Sariiraha.

"Ciidanka Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa hawlgallo ay sameyeen 24-saac ee la soo dhaafay waxaa ay ku fashiliyeen keyd bambaanoyin iyo miino oo ay kooxda argagixisadda Al-Shabaab ku duugteen Xaafada Shaqaallaha gaar ahaan aaga Suuqa Sariiraha," ayuu yiri.

Dhanka kale, NISA-Jubbaland oo bayaanka kooban soo dhigtay ciwaankeeda Facebook ayaa warisay in howlgal kale oo ay ka sameeyeen tuulada Yoontooy ee gobolka Jubada Hoose ay ku qabteen xubno Al-Shabaab ah.

Xasan Cabdi Ibraahim iyo Abukar Cabdi Yaxye oo "qirtay dambiga" ayaa lagu waramay in ay xoogaga hubeysan u qaabilsanaayeen gudbinta iyo dhigista qaraxyadda.

"Sidoo kale ciidanka Nabad Sugida hawlgallo qorsheysan oo ay ka sameyeen aaga Jiinka Wabiga tuulada Yoontooy labadeeda Gedi waxaa ay gacanta ku soo dhigeen dhagar qabayaasha kala ah Xasan Cabdi Ibraahim iyo Abukar Cabdi Yaxye oo Al-Shabaab u qaabilsanaa soo gudbinta miinoyinka dhigista iyo Qarxintoodaba waxaana ay qirayaan ragani in ayagoo hawsha Gacanta kula jira ay ciidanka Nabad Sugida soo qabteen," ayaa la raaciyey war-saxaafadeedka.

Marka laga soo tago sheegashada sirdoonka dowlad goboleedka, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka kooxda gacansaarka la leh ururka Al-Qaacida.

Bishii hore ee June ayay ahayd markii ciidamadda Jubbaland ay qaraxyo ku fashiliyeen isla degaanka Yuuntoy, falalkaas oo ay tibaaxeen in la doonayey in lagu dhibaateeyo shacabka iyo ciidamadda amniga maamulka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM