Khadiija Maxamed Diiriye oo ku geeriyootay dalka Jabuuti

Image
AUN Khadiija ayaa maalmahan ku xanuunsanayd dalka Jabuuti.

JABUUTI (GO) - Waxaa goordhow la shaaciyay geerida Wasiiradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ahayd wafdi hogaaminayay Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi barre ee ku sugan dalka Jabuuti.

Wasiirka ayaa maalmahan la ildaraneyd xanuun, sida ay Warsidaha GaroweOnline ay u xaqiijiyeen mas’uuliin ka mid ah wafdiga la socday.

Marwo Khadiija ayaa sanadihii lasoo dhaafay soo qabatay xilal kala duwan, iyada oo 20 sano ka badan soo ahayd Xildhibaan ka tirsan golaha Shacabka JFS.

Ra’iisul Wasaaraha hore ee dalka Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa 2014kii, u magacaabay Marwo Khadiija Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka,

Waxay sidoo kale soo noqotay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Xasan Cali Khayre intii u dhaxaysay March 21, 2017 iyo October 2020.

RW Maxamed Xuseen Rooble ayaa isagana u magacaabay Khadiija Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, kadibna waxaa loo magacaabay Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Xukuumaddii Xamza Cabdi Barre.

Madaxda dalka ayaa ka tacsiyeeyay geerida Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye, iyaga oo dhambaal tacsi ah u diray Ehelka iyo qaraabada ay ka dhalatay Marxuumadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM