Khasaaro ka dhashay labo qarax oo ka dhacay Soomaaliya

Image
Al-Shabaab ayaa sheegatay mid kamid ah weeraradan oo lala eegtay xero ay joogaan ciidanka uu tababaray Turkiga.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan laba qarax oo kala duwan ayaa laga soo sheegay Soomaaliya Axadii, sidda ay Garowe Online u xaqiijiyeen illo wareedyo kala duwan.

Magaalada Muqdisho, qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay dhanka koonfureed ee magaalada, waxaana ka dhashay khasaare aan la cayimin.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxaana ay xustay in ay beegsatay xero ay joogeen ciidamada uu tababaray Turkiga dileenna "60 askari".

Balse ma jiraan illo si madax-banaan u xaqiijinaya sheegashaddan.

Dhanka kale, Magaalada Ceel-waaq ee gobolka Gedo ayaa waxaa ku dhintay labo qof, labo kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii bam lagu weeraray dad shacab ah oo geed hoos fadhiya.

Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal cusub oo Axadii ka dhacay meel u dhow deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan lagu dilay tobonaan maleeshiyo ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dadaal Ugu Jira Inuu Joojiyo burburka Wadahadalada Doorashada

Tallaabadan ayaa u muuqata mid si toos ah uga horimaanaysa codsi ka yimid Villa Somalia oo ku aaddan in wadahadalada la sii wado.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 11:21AM