"Khatar ka dhalan karta" heshiis ay DF la gashay Qadar oo laga digay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Iyadda oo dowladda Soomaaliya ay Sabtida maanta ah ku dhawaaqday in ay Qadar la gashay heshiis ah wada isticmaalida dayax-gacmeed, ayaa waxaa laga soo saarey digniin.

Ismaaciil Cismaan, taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda sirdoonka Soomaaliya, oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga, wuxuu ku sheegay in dayax-gacmeedka uu yahay mid wax lagu basaaso.

Turkey’s Gokturk-1 Reconnaissance Satellite ayaa Dooxa waxay u adeegsataa in ay ku basaasto dowladaha ay is-hayaan ee Khaliijka, sidda uu ka dhawaajiyey Cismaan.

Isqabqabsiga wadamada Khaliijka oo haatan ka jira wadamada dhaca gobolka Bariga Afrika ayaa xoogiisa waxaa Soomaaliya aad loo dareemay sanadkii lasoo dhaafay 2018.

Sidda laga soo xigtay Cismaan, nuxurka heshiiska waa in Qadar ay Soomaaliya ku isticmaali karto dayax-gacmeedka "taasoo keeneysa mishaakil iyo dhibaato Soomaaliya uga timaado dagaalka Joqraafiyadeed".

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayuu Mr Cismaan ku tartarsiiyey in ay tafaasiil dheeraad ah ka bixiso waxa uu yahay heshiiskan ay qalinka ku duugtay.

"..ma aha mucaarad ama muxaafad balse waxaan arkaa mushaakil aan maanta diyaar u ahayn oo aqoon darro haysa madaxda dalka ay nagu hagayaan," ayuu sarkaalka ku daray hadalkiisa.

Dowladda Farmaajo ayaa xiriir dhow la lahayd xukuumadda Dooxa tan iyo markii la doortay 17-kii bishii Febraayo 2019-kii, waxaana lagu eedeeyaa in khilaafka Khaliijka ay si toos ah ula safatay Qadar.

QORAALKA CISMAAN

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Sirdoon Oo Lagu Beegsaday Shir Al-Shabaab lahayd; 33 Lagu Dilay

Ciidamada amniga ayaa sidoo kale sheegay inay burburiyeen gaari nooca pick-up ah oo lagu rakibay qori culus.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 08:37AM

Kooxda Xuutiyiinta oo ka Digtay Joogitaanka Israa'iil ee Somaliland

In kasta oo Somaliland ay ku dhawaaqday madax-bannaanida Soomaaliya sannadkii 1991-kii, haddana weli ma helin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    19-04-2026

  • 02:07PM