Khayre iyo Islow oo booqday Ciidamo Qaraxyo lagu weeraray [Sawirro]

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaliya - Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, oo ay wehliyaan Wasiirkiisa Amniga Maxamed Abuukar Islow iyo Taliyaha NISA Xuseen Cismaan Xuseen, ayaa xalay kormeeray labo goobood oo shalay ay ka dhaceen qaraxyo ismiidaamin ah.

Booqashada Ra’iisul wasaaraha ayaa ku saabsanayd dhiirri gelin iyo mahadnaq ku aaddan sidii ay Ciidanka Nabad uga hortageen qaraxyo oo ka kala dhacay Seybiyaanno iyo Lambar Afar [KM4] ee magaalada Muqdisho. Halkan ka akhri Warbixinta.

Khayre ayaa ku boqaadiyay Askarta sidii ay uga hortageen labada qarax, oo lala damacsanaa in shacab badan oo Soomaaliyeed lagu laayo, waxaana uu abaalmarin lacageed uu gudoonsiiyay Askarta ku sugan Baraha Koontarool ee KM4 iyo Seybiyaano.

Labada qarax ayaa waxaa ku dhintay inta la xaqiijiyay labo Askari oo NISA katirsanaa, iyadoo tiro kale ay ku dhaawacmeen, waxaana dhanka Al Shabaab looga dilay saddex la socotay gaariga ku qarxay Seybiyaanno.

Weerarkii shalay ayaa lagu soo beegay xilli Xukuumadda uu hogaamiyo Khayre lagu dhaliilayo inay ka gaabisay Amniga, oo ku mashquushay Mooshinka Jawaari xilka looga qaadayo.

Wasiirka amniga ayaa kamid ah Xildhibaanada Mooshinka saxiixay, ee ku jira halganka meesha looga saarayo Jawaari, gudoomiyaha Gollaha Shacabka, oo Xukuumadda u aragto inuu yahay shaqsi aan la jaan-qaadi karin siyaasadeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM