Khayre iyo Xukuumaddiisa oo lagula taliyay inay is-casilaan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Axmed Maclin Fiqi, oo katirsan Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ugu baaqey Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo Xukuumaddiisa inay is-casilaan kadib fashil ku yimid amniga.

Axmed Maclin Fiqi ayaa sheegay in dalka uu qarka u saaran yahay inuu gacanta u galo Al-Shabaab, maadaama ciidamada xoogga dalka ay billaabeen inay soo faarujiyaan aagaga difaaca kadib markii ay heli waayeen Mushaarkooda.

"Waxaa horey loogu fashilmay amniga gobolka Banaadir sababo maamul xumo iyo la xisaabtan la’aan, nin jeclaysi iyo musuqmaasuq la xiriira, waxaana hadda muuqata in cudurkii musuqmaasuga iyo maamul xumadu uu u gudbey ciidamadii dhufaysyada hore ku jiray," ayuu yiri Xildhibaanka.

Isagoo hadalkiisa sii wato, Axmed Maclin Fiqi ayaa tilmaamay in ciidamada difaacaya qaranka ay daryeel iyo mushaar la’aan ugu darsoontay hadallada aan laga fiirsan ee nabidda iyo run ka sheegid la’aanta xaqiiqda dhabta ah ee ku sugan yihiin ee madaxda qaarkood ay xafladaha uga khudbeeyaan, taasoo dalka u horseedi karta xaalad khatar ah.

"Haddii ciidamadii sanad iyo bar ka hor la qorey aysan diiwaangashanayn, muxuu madaxweynuhu wasaaradda gaashaandhigga waqtigii dheeraa ee uu fadhiyey ka dhex qabanayey?, maxeyse xukuumadda Khayre qabatay haddii dhowr kun oo askari ay ku guuleysan weyday in la diiwaangaliyo mudadaas dheer," ayuu xusay Fiqi.

Hadalka Fiqi ayaa kusoo beegmaya xilli ciidankii ugu badnaa ay kasoo baxeen dhowr fariisin oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe. [Halkan ka akhri warka].

Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa isagoo ka hadlayay xaflad lagu qabtey Muqdisho ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay bixiso mushaarka ciidamada, islamarkaana aysan jirin Askari aan lacag qaadan mudadii uu xafiiska joogay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM