Khayre oo Qatar uga qayb galay furitaanka Madasha Dooxa

Image
Image
Image
Image

DOOXA, Qadar - Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta Sabti ah wuxuu ka qayb galay furitaanka madasha Dooxa.

Madasha Dooxa ayaa qorshuhu yahay in ay socoto maanta iyo berri, ayna kasoo qeyb geleen madax ka socota qaar kamid ah dowladaha caalamka iyo hey'ado caalami ah.

Isu-imaatinkaan ayaa waxaa furay amiirka Qatar, Tamim bin Hamad Al Thani.

Khayre oo ay u tahay markii sedaxaad ee uu ka qayb galo ayaa maalinta berri ah khudbad ka jeedinaya madasha Dooxa oo sannadkaan looga hadlayo ajandayaal muhiim ah.

Waa sanadkii saddexaad oo uu wasiirka koowaad ee xukuumadda Muqdisho uu ka qeybgalo.

Hadal-jeedintiisa ayaa Khayre waxaa lagu wadaa in uu kusoo qaado xaaladda dalka gaar ahaan ammaanka, dhaqaalaha, siyaasadda iyo doorashooyinka soo aadan.

Qadar ayaa kamid ah dowladaha xiriirka dhow la leh dowladda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] tan iyo markii la doortay bishii Febraayo ee 2017-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM