Khayre oo telefoonka kula hadlay wasiirka arrimaha dibada Ruushka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka wuxuu ku shaaciyey in uu telefoonka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergey Lavrov.

Sidda ku xusan war-saxaafadeedka kooban, wadahadalada labada mas'uul ayaa dhacay shalay oo Isniin ahayd, 20-ka April sanadkan 2020.

Lama ogga dhinaca lahaa codsiga wadahadalada. Wasiirka koowaad ee xukuumadda Muqdisho ma uusan caddeyn arrinkaas.

Sidoo kale, waxaa nan caddeyn ujeedada iyo ajendaha dhabta ah ee wadahadalada, balse Khayre wuxuu la xiriiriyey Coronavirus.

"Waxaan ku faraxsanahay in wada sheekeysi muhiim ah aan maanta [Isniin, 20-ka April, 2020] la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Ruushka mudane Sergey Lavrov. Arrimaha ugu muhiimsan ee aan kawada hadalnay waxaa kamid ah xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashiga dedaalada looga hortagayo faafitaanka Covid19," ayaa lagu yiri qoraalka Khayre.

Marka laga soo tago shaacinta Khayre, ma jiro wax hadal ah oo ku saabsan wadahadalkaan oo kasoo baxay Lavrov iyo xukuumada Moscow.

Soomaaliya iyo Ruushka ayaa kamid ah wadamada uu saameyay cudurkaas safmareenka ah; Muqdisho waxay xaqiijisay 237 kiis, sideed dhimasho ah iyo afar qof oo ka bogoosatay; Ruushka waa 404 geeri ah iyo 47,121 kiis.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM