Khilaaf ka qarxay madaxtooyada Galmudug oo xagal daacin kara dagaalka ‘AS’

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Khilaafka u dhaxeeya madaxda maamulka Galmudug Axmed Cabdi Qoorqoor iyo ku xigeenkiisa Cali daahir Ciid ayaa banaanka usoo baxay kadib markii labada dhinac ay soo kala saareen go’aamo iska soo horjeeda.

Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Cali Ciid ayaa soo saaray amar uu shaqada kaga joojinayo wasiirka arrimaha gudaha maamulka Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac oo uu ku eedeeyay in uu carqaladeynayo dadaallada lagula dagaalamayo argagixisada.

Halka Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo xil ka qaadistan kaga jawaabay diidmo, isagoo soo saaray amar lagu burinayo amarka Madaxweyne ku xigeenka, maadaama uu khilaafsan yahay dastuurka Galmudug sida lagu sheegay bayaanka.

Xiisadan ayaa bilaabatey ka dib markii Madaxweyne ku xigeenka Galmudug uu kala direy golaha deganaaka Caabudwaaq.

Golihii deegaanka ayaa isla markaana xil ka qaadis ku sameeyey gudoomiyaha degmada, halka Madaxweynaha Galmudug uu taageeray go’aanka golaha.

Khilaafkan siyaasadeed ayaa imaanaya xilli maamulka Galmudug uu ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda ‘AS’, waxaana khubarada dhanka ammaanka ay ka digeen in la kala qeybiyo madaxda inta lagu jiro marxaladan muhiimka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM