Kiisaska Covid-19 ee Soomaaliya oo dhaafay 500 xili la xaqiijiyey 48 cusub

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah waxay ku dhawaaqdey in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 48 kiis cusub oo ah Covid-19.

Tani ayaa macnaheedu yahay in wadarta guud ee xaaladaha cudurka ee guud ahaan waddanka ay gaareen 528.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka wasaaradaas, ayaa wariyeyaasha u sheegtay in sidoo kale 24-kii saac ee lasoo dhaafay xaqiijiyeen laba geeri ah.

Sidda laga soo xigtay Fowziya, sidoo kale waxaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka caafimaadey xanuunka laba bukaan oo isbitaalka laga saarey.

"Bukaanada cusub 31 kamid ah waa Lab, 17-ka kelana waa Dhedig," ayay raacisay wasiiradda, oo tibaaxday in 41 kamid ah laga helay Banaadir, saddexda kalena Jubbaland iyo afar kale oo Koonfur Galbeed ah.

Kiisaska laga helay Koonfur Galbeed ayaa noqonaya xaaladihii ugu horeeyay ee degaanada maamul goboleedkaas Soomaaliyeed.

"24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaa dhimatay laba bukaan, ALLE ha u naxariistee. Tiradda guud ee dhimashadda waa 28, shan kalena way bogsatay, tiradda guud ee caafimaadeyna waa 18," ayay hadalkeeda raacisay.

Tan iyo markii Muqdisho la geeyay sheybaarka lagu ogaado fayruska safmarka ah waxaa kororka xanuunka uu noqdey mid maalinleh ah. Mashiinkaas waxaa looga maarmay midka ay WHO aqoonsan tahay ee yaala xarunta Kenya.

MUUQAALKA FOWZIYA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM