Kismaayo oo laga dhagax-dhigay jidad laami dheerarkoodu yahay 4.50km

Image
Labadan wado oo kamid ah mashruuca dhismaha wadooyinka Magaalada Kismaayo wajigiisa labaad.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa Magaalada Kismaayo ka dhagax dhigay labo wado oo laami ah oo dheerarkoodu yahay 4.50km.

Labadan wado oo kamid ah mashruuca dhismaha wadooyinka Magaalada Kismaayo wajigiisa labaad oo ka kooban 9.2km ayaa wax badan ka badali doona isku socodka iyo bilicda Magaalada Kismaayo.

Masuuliyiin katırsan golayaasha kala duwan ee heer Federaal oo uu hogaaminayay Wasiirka howlaha guud Cabdisalaan Cabdi Cali iyo Masuuliyiin katirsan golayaasha kala duwan ee Dowladda Federaalka ah iyo Jubaland ayaa ka qeybgalay munaasabadan kooban iyadoo Madaxweynahu uu sheegay in dadku hada ay dareemeen ahmiyada wadooyinka isla markana cabashooyinkii hore ee ka iman jiray goobaha wadooyinka laga banaynayo hada ayna ahayn sidii hore.

Waxaa Madaxweynahu intaas ku daray in shirkada dhisaysa wadooyinkan looga baahan yahay inay la yimaadan dadaal dheeri ah iyo hufnaan shaqo isagoo ku booriyay hay’adaha Dowladda ee shaqada ku Leh howshan İnay dhinacooda fududeeyaan waxyaabaha looga baahan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM