Kismayo: ciidanka oo qabtay hub iyo dad

Image

Sabti, Sept 13, 2014 (Garowe Online)- Ciidamada ammaanka ee Maamulka Jubaland ayaa magaalada Kismaayo ka sameeyey howlgal lagu soo qabtay dad laga shekiyey iyo hub.

Howlgalka oo ka dhacay xaafadaha Shaqaalaha iyo Guulwade, waxay ciidamadu kusoo qabteen hub isugu jirey miinooyinka dhulka lagu aaso iyo baaskoolado dhowr ah.

Waxay sidoo kale ciidamadu isla howlgalkaas kusoo qabteen labo nin oo dhallinyaro ah. Nimanka oo ahaa kuwii hubka watey waxaa looga shekisan yahay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa Garowe Online u sheegay in labada eedaysane baaris lagu wado, si dhaqso ahna maxkamad loosoo taagi doono.

Arrintan ayaa kusoo aadaysa xilli dhowaan uu magaalada Kismaayo ka furmi doono shirweynaha dib-u-heshiisiinta beelaha dega gobollada Jubbooyinka.

GAROWE ONLINE.

Related Articles

STC oo Ballaarisay Gacanta ay ku Hayso Koonfurta Yemen

Toddobaadkii la soo dhaafay, STC waxay billowday hawlgal milatari ay ugu….

  • Soomaliya

    12-12-2025

  • 09:07AM

Soomaaliya oo la sheegay in la dhex-marsiiyo hub loo gudbiyo Xuutiyiinta Yemen

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya maalmo kadib shir heer sare ah oo Qaahira ku dhexmaray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

  • Soomaliya

    11-12-2025

  • 01:50PM