​Kismayo: Nin horay uga tirsanaa Shabaab oo la dilay

Image

KISMAYO- Waxaa maanta abaaro 02:30pm saacadda Afrikada Bari magalada Ksimayo xarunta maamulka Jubbaland lagu dilay, nin horay uga tirsanaa kooxda Shabaab, kaasi oo lagu magacaabi jiray  Sheekh Cabdullaahi Dalab, wuxuuna muddooyinkii dambe la shaqaynayay maamulka Jubbaland.

Xaafadda Calanlay gaar ahaan isgoyska Istaar ayaa mallayshiyo xubaysan oo goobta ka baxsatay ku toogteen.

Lama oga sababta rasmiga ah ee loo dilay, balse wuxuu ka ag dhawaa xukuumadda, mana jrin wax xil ah oo uu hayay.

Ninkan ayaa ururkaasi kasoo goostay muddo hore, wuxuuna joogay magalada Kismayo.

Dallab, ayaa ahaa Sheekh, wuxuu sidoo kale ahaa dadka Gabya ee aadka ugu wanaagsan gudbinta fikradda uu wado.

Xogo badan ayuu ka hayay qaabka ururka Shabaab u shaqeeyaan, waxaana la sheegay inuu dowladda ka caawin jiray arrimaha ku aadan mallayshiyaadkaasi.

Toogashadan ayaa lagu soo beegay xilli maanta maydad katirsan ururka Shabaab lagu soo bandhigay magalada Kismayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, kuwaasi oo lagu laayay howgal xalay ciidamo gaar ah ka fuliyeen Buulo-gaduud oo qiyaastii 30KM dhinaca Waqooyi ka xigta xarunta gobolka Jubbada hoose

GAROWEONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM