Koonfur Gabled Somalia oo dooratey Gudoomiye Barlaman cusub

Image

4 Jan,2016 (GO)- Xidlhibaanada Barlamanka Koonfur Galbeed Somalia ayaa gudoomiye Barlaman u doortey Cabdulqaadir Shariif Shiikhunaa Maye kadib markii uu heley 109 cod halka ky-xigeen kowaad iyo labaad la doortey.

Barlamanka maamulka Koonfur Galbeed oo kooban 149 xubnood ayaa xulistiisa waxaa uu muran ka dhax abuurey dadka wada dega degaanada uu ka kooban yahay maamulkaasi iyadoo ay ka cabanaya in aan tixgalin la siin.

Doorashada gudoomiyaha cusub ee Barlamanka ayaa ku soo beegmeysa xilli degmooyin ka tirsan gobolka Bakool shacabka dagan ku dhawaaqeen maamul ka madax banaan maamulka Koonfur Galbeed kaasoo la magac baxey Bakool Sare.

Ku dhawaaqista maamulkaan ayaa waxaa xumaadey xiriirka Koonfur Galbeed ee Somalia, Jubaland iyo dowlada Puntland.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa rumeysan in Bakool sare tageero dhinaca siyaasada ka heleen labada maamula ee Puntland iyo Jubaland.

Barlamanka Jubaland ayaa muran ka dhashey xulistiisa waxaa dowlada Federaalka Somalia saartey sidii khilafkaas u xalin laheyd iyadoo dood weyn ka muujisay in laga tagey qaybo ka tirsan shacabka degaankaas.

Dowlada Federalka ee Somalia oo ku mashquulsan dhisisda maamulka ka kooban gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaan ka hadlin weli degmooyinka Bakool kaga dhawaaqey maamulka ka madax banaan Koonfur Galbeed ee Somalia.

GAROWEONLINE

 

 

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM