Koonfur Galbeed oo isu diyaarinaysa wajiga 2-aad ee dagaalka ‘AS’

Image

Baydhabo, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed G/ Sare Cabdi Ibraahim Shaamow ayaa Magaalada Baydhabo kulan kula qaatay Saraakiisha Ciidamada oo uu kala hadlay arrimo muhiim ah oo dhanka ammaanka ah. Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Saraakiisha Booliska Gobolka Baay iyo Mas’uuliyiin kala duwan.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay diyaar garowga Ciidamada maamulkaas ee ku aadan Wajiga Labaad ee Howlgalka Milliteriga ee ka dhanka ah Al-shabaab, kaasi oo ay ka qeyb qaadan doonaan Maamul-gobaleedyadda Koonfur-galbeed iyo Jubbaland.

Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Baay ayaa ku amray saraakiishiisa in ay galaan heegan buuxa, kana qeyb qaataan dagaalada la filayo in ay ka bilowdaan gobolada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa dhawaan kulan uu la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada Maamulkaas ku xaqiijiyay in dhawaan bilaabi doonaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM