Koonfur Galbeed oo isu diyaarinaysa wajiga 2-aad ee dagaalka ‘AS’

Image

Baydhabo, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed G/ Sare Cabdi Ibraahim Shaamow ayaa Magaalada Baydhabo kulan kula qaatay Saraakiisha Ciidamada oo uu kala hadlay arrimo muhiim ah oo dhanka ammaanka ah. Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Saraakiisha Booliska Gobolka Baay iyo Mas’uuliyiin kala duwan.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay diyaar garowga Ciidamada maamulkaas ee ku aadan Wajiga Labaad ee Howlgalka Milliteriga ee ka dhanka ah Al-shabaab, kaasi oo ay ka qeyb qaadan doonaan Maamul-gobaleedyadda Koonfur-galbeed iyo Jubbaland.

Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Baay ayaa ku amray saraakiishiisa in ay galaan heegan buuxa, kana qeyb qaataan dagaalada la filayo in ay ka bilowdaan gobolada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa dhawaan kulan uu la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada Maamulkaas ku xaqiijiyay in dhawaan bilaabi doonaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM