Koonfur Galbeed oo ku jirta diyaargarowgii ugu dambeeyay ee dagaalka ka dhanka ah ‘AS’

Image

DIINSOOR, Soomaaliya - Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka socda diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Diyaargarowgan ayaa kusoo beegmaya iyadoo madaxweynaha maamulkaas, Cabdicasiis Xasan Laftagareen iyo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ay gaareen magaalada Diinsoor.

Wasiirka Gaashaandhigga oo khudbad ka hor jeediyay ciidamada dowladda iyo shacabka, ayaa ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dagaalka soo socda.

Waxaa la filayaa in wejiga labaad dagaalka la billaabo ka dib markii dowladda Federaalka ay gebi ahaanba soo afjarto khatarta ay argagixisada ku hayaan deegaannada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Al-Shabaab ayaa weli maamula magaalooyin waaweyn oo dhaca koonfurta gobolka Mudug, Bariga gobolka Galgaduud iyo Galbeedka Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM